Buuggani wuxuu dabo socdaa buugga KalahaadkiiMuqdisho. Waa buug ka warramaya dhibaatooyinkii kadhashay dagaaalkii 1991-kii ka qarxay Muqdisho iyobarakacii baahsanaa ee ku dhacay dadka Soomaaliyeed.Wuxuu ka hadlayaa dadkii dagaalku kala firdhiyay dalkagudihiisa dhibaatooyinka ku habsaday iyo kuwii dalkadibaddiisa u baxay jahawareerka ku dhacay. Buugga ooakhristaha dhul badan marinaya, wuxuu sheegayaa dadkiiqaxayay halganka ay galeen si ay naftooda u badbaadiyaan.Dadku waxay meelo bad an kala kulmeen xarig, dil iyofaquuq, kuwo badannina naftooday ku waayeen.Markii dagaalku ka qarxay Muqdisho, dadkii degganaamagaalada in badan waxay u qaxeen waqooyiga magaaladaiyo dhinaca Beledweyne, kuwo kalana dhinaca Koonfur iyomagaalooyinkaJubbooyinka oo ay ka mid tahay magaaladaKismaayo. Colaaddu waxay la guurtay dadkii qaxayay, waxayna muddo yar gudaheed ku faaftay dhammaan dalkacirifka cirif. Dagaalku ma ahayn mid qabyaaladdu keligeedololinaysay ee waxaa qayb weyn ka qaatay hardankii kadhashay kala ridashada bililiqada iyo dhacii aad u baahay.Buuggu wuxuu akhristaha marinayaa dhulal badan ooSoomaaliya ka mid ah iyo dalal ay ka mid yihiinJabuuti, Itoobiya, Masar iyo Maraykan. Dhulka Soomaaliya iyodalalkaas qoraagu wuxuu wax ka xusayaa taariikhda iyodhaqanka dadka. Waxaa akhristaha la horkeenayaa dadkiidibadda u qaxay oo intooda badan aan af Soomaali mooyeeaf kale aqoon, horana aan u arag dhaqan shisheeye, dhibaatooyinkii ay la kulmeen.